Ukraine: Daraasiin ku Dhimatay Kaniisad Ruushku Duqeeyay

Inka badan 30 qof ayaa ku dhimatay gantaal ruushku ku dhuftay kaniisad ku taalla magaalada Sumy ee dalka Ukraine, taasoo noqonaysaa kasaasirihii ugu badnaa ee Ruushku u geysto dad rayid ah sannadkan.
Waxaa kaloo la sheegayaa in ugu yaraan 100 ruux ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan 11 caruur ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine ayaa sheegtay in dadkan ka qeybgalayay kaniisad ay ku cibaadeystaan Axad kasta lala beegsaday gantaal nooca balaastiigga ah.
Madaxweynaha Ukraine, Volodimir Zelensky waxa uu sheegay in adduunku uu ka doonayo inay jawaab xooggan ka bixiyaan duqeynta ka dhanka ah rayidka.
Isbuucii la soo dhaafay Ruushku wuxuu duqeeyay magaalo la yiraahdo Kyryvi halkaasoo uu ku dilay ugu yaraan 20 ruux oo rayid ah.
