Trump ma u Dhammeyn karaa Xuquuqda Dhalashada Muwaadinnimada

Ka dib markii uu dib ugu guulastay madaxtinimada dalka Maraykanka, Donald Trump, amarada fulineed ee uu saxiixay waxaa ka mid ah mid baabi’inaya xuquuqda muwaadinnimada lagu helo in lagu dhasho ciidda Maraykanka.
Qodobka 14aad ee dastuurka Maraykanka, kaasoo lagu dhaqmayay inka badan 160 sanno, waxa uu dhalasho siinayaa cid kasta oo ku dhalata xuduudaha Maraykanka.
Maamulka Trump waxa uu aaminsan yahay in qodobkan uu dhiirigeliyay in dad badan ay u soo haajiraan dalkam si ay u dhalaan ubad Ameerikaan ah.
Siyaabo kala duwan ayay dadka soo galootiga ahi ku imanayeen dalkan. Kuwo ayaa imanayay waraaqaha dal ku galka ee Viisaha, markii uu ka dhaco dalka ku dhexdhuumanayay, ayna ku dadaalayeen si ay u helaan lamaane si uu ubad ugu dhasho gudaha Maraykanka.
Qoysas badan oo si sharci darro ah uga soo tallaabay xuduudaha, iyagoo haweenka qaarkood xaamilo ah ay ku umuleen gudaha Maraykanka, taasoo qoysaska qaarkood kaga badbaaday in la musaafuriyo, iyadoo la ilaalinayo in ilmo muwaadin Maraykan ah uu ku dayacmo meel ka baxsan ciiddii uu ku dhashay.
Fursadaas ayaa u muuqata mid gabalkeedu uu dhacayo, ka dib markii sida muuqata Trump uu taageero badan ka helayo dadweynaha, sida lagu ogaaday ra'yi ururin la sameeyay.

Taageerada shacabka ka sokow, Trump inuu ku guulaysan karo inuu fuliyo xeerkan waxaa kor u qaadaya xibiga uu Trump ka tirsan yahay oo haysta awoodaha dalkan.
Xisbigiisa Jamhuuriga waxay xukumaan labada aqal ee Congresska, Maxkamadda Sare iyo Aqalka Cad.
Xildhibaano ka trisan xisbiga Dimoqraadiga ayaa gaashaanka u daruuray xeerka fulinta ee Trump ku baab’inayo xuquuqda dhalashada.
Haddii qodobka dastuuriga ah ee 14aad, xuquuqda muwaadinnimada Maraykanka bixinaya meesha laga saaro, waxaa uu saameyn doonaa caruurta ay dhalaan cid kasta oo bilaa sharci ah.