Sacuudiga oo Luuqaddii ugu Adkayd uga Hadlay Barakicinta Falastiin

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa axaddii 9ka Febraayo 2025 si xooggan u cambaaraysay hadal uu dhowaan ku hadlay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo ku baaqay in Falastiiniyiinta loo barakiciyo dalka Sacuudiga.

“Sacuudigu waxay gudohoodii ka yagleeli karaan dal Falastiin ah, maxaa yeelay waxay haystaan dhul ballaaran,” ayuu yiri Netanyahu.

Qoraal rasmi ah oo hadalkaa Netanyahu looga jawaabayo waxaa soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaasoo mar kale lagu xaqiijiyay sida ay Sacuudigu u diidan tahay hadaaqa noocaasi ah ee ka soo yeeray Netanyahu, waxaana meel adag looga istaagay “Xaqa Falastiiniyiintu u leeyihiin dhulkooda.”

“Ma ahan kuwo dhulka dhuumasho kusoo galay amma kusoo haajiray kuwaasoo la iska cayrin karo sida uu markasta jeclaan lahaa nidaamka gumaystaha axmaqa ah ee Israa’iil,” Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Boqortooyada ayaa sidoo tiri “xagjiriinta, ku fekera qabshasho ma fahamsana qiimaha uu ugu fadhiyo dhulka Falastiin walaalaha dadka falastiiniyiinta,” iyadoo sidoo kale war saxaafadeedka lagu sheegay Israa’iil “inaanay u haysan in Falastiiniyiintu ay u mudan yihiin inay noolaadaan.”

 “Kuwa curiyay aragtiyada xagjirnimada waa kuwa ka hor istaagay Israa’iil inay nabad aqbasho,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga, iyadoo erayadeeda ku xoojisay in Israa’iil ay si joogta ah caddaalad darro ah kula dhaqmaysay shacabka Falastiin inka badan 75 sanno.

Sacuudigu wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay xaqa Falastiiniyiintu leeyihiin uu ahaan doono mid si adag u taagan, isla markaana aanu jirin cid ka qaadi karta.

Sacuudiga ayaa sidoo kale adkeeyay “Nabad waarta laguma guulaysan doono ilaa la soo celiyo xaalad caqligal lana aqbalo nidaamka nabad kuwada noolaanshaha iyadoo loo marayo xalka laba dowladood oo deris ah.”

Netanyahu ayaa ku dhiiraday inuu u gafo madaxbannaanida dhuleed ee Sacuudiga ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu 4tii Febraayo yiri in Maraykanku uu la wareegayo marinka Gaza, Falastiiniyiintana meel kale la dejinayo, si Gaza looga dhiso dhimayaal horumarsan si ay u noqoto Rivierada Bariga Dhexe (Riviera waa goob ku taalla Faransiiska.)

Damaca Trump ee la wareegista Gaza waxaa cambaareeyay shacabka Falastiin, dalal Carbeed iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Canada, France, Germany, iyo UK.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad