Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Heshiis kala Saxiixday

Dowladda Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee hoos taga maamulka Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis dhanka amniga iyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Mas'uuliyiin ka kala socota gobolka Mudug ee Puntland iyo gobolka Doollo ee DDS ayaa ku kulmay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo todobaadkii horę, iyagoo ku heshiiyay in la iska kaashado ka shaqeynta amniga.
War-Murtiyeed ka soo baxay kulanka labada dhinac waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah soo qabashada dambiilayaasha u kala baxsada labada dhinac, kuwo maandooriyaha ka ganacsada iyo kuwa sida sharci darrada ah dadka u tahriibiya.
