Mozambig: Maxaabiis baxsatay, Soomaali la Dhaka

BBC-Somali: In ka badan 1,500 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Mozambique, iyagoo ka faa'ideysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee weli socda ee ka dhashay natiijada doorashada lagu muransan yahay, sida ay booliisku sheegeen.
Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray ciidamada iyo dibadbaxayaasha, sida uu shir jaraa'id ku sheegay taliyaha booliiska oo lagu magacaabo Bernardino Rafael.
Qiyaastii in ka badan 150 qof oo maxaabiis ah ayaa dib loo qabtay, ayuu raaciyey hadalkiisa.
Mudaaharaadyo ayaa dhacay Isniintii iyagoo ka jawaabaya maxkamadda ugu sarreysa Mozambique oo xaqiijinaysay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii Oktoobar dhacday.
Mr Rafael waxa uu sheegay in kooxo mudaaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda dawladda ay Arbacadii ku soo dhawaadeen xabsiga caasimadda Maputo. "Maxaabiista ayaa qalalaasaha uga faa'iidaystay in ay gidaar dumiyaan oo ay baxsadaan", ayuu yiri.
Mozambique waxaa ruxay rabshado tan iyo doorashadii lagu murmay ee bishii Oktoobar. Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujinayay in musharraxa madaxweynaha Frelimo ee talada haya, Daniel Chapo uu ku guuleystay.