Minneapolis: Soomaali lagu Xukumay inka badan 32 Sanno oo Xabsi ah

Maxkamadda Hennepin ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa 386 bilood oo xabsi ah oo u dhiganta inka badan 32 sanno ayaa ku xukuntay Axmed Cali Cabdi oo ah nin ka soo jeeda Soomaaliya.
Axmed waxaa lagu helay dambiga inuu toogasho dhimasho geystay ka geystay barxad ay deganaayeen dad aan guryo lahayn oo ku taalla magaalada Minneapolis, sannadkii la soo dhaafay
Halka uu Axmed toogashada ka geystay waxaa ku dhintay JaBraun Garron Hole oo 33 jir ahaa.
Toogashada ayaa dhacday daqiiqado kadib markii dagaal uu ka dhex dhacay dadka hoy laawayaasha, kaasoo dagaalkoodii ku fiday ka dibna rasaas goobta ka dhacday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Hole oo xabbad ku taalla uu wadada dhinaceeda ku dhacay.