Maydadka Dad uu Laayay Magafaha Liibiya oo la Helay

Mas’uuliyiinta amniga ee dalka Liibiya ayaa sheegay in ay heleen laba xabaal-wadareed oo ay aasan yihiin dad loo badinayo inay yihiin muhaajiriin dalkaasi uga gudubta Yurub.

Xabaal-wadareedda koowaad waxaa laga helay guri ku yaalla deegaanka Jakharrah oo ku dhowaad 400km dhanka koonfur kaga beegan magaalo xeebeedda Benghazi, waxaana la soo qufay maydadka 19 ruux.

Maydadka 30 ruux oo kale ayaa laga soo qufay dhulka saxaraha ah ee Alkufra ee koonfur bari ee dalkaasi, waxaana la aaminsan yahay in xabaasha labaad ay ku aasan yihiin inka badan 70 ruux.

Weli lama oga sida ay dadkaasi ku dhinfteen iyo wadamada ay ka soo jeedaan, inkastoo hay’adda socdaalka IOM ay xaqiijisay in qaar ka mid ah maydadkaas ay ku yaalleen rasaas.

“Goynta nolosha dadkan waa masiibo kale oo dadka xusuusinaysa khataraha ay wajahayaan muhaajiriinta galaysa safarada halista badan,” ayay tiri Nicoletta Giordano, madaxa hawlgalka IOM ee dalka Libiya.

“Muhaajiriin badan oo safarada noocan gala waxay la kulmayaan khatarro sidan oo kale ah; in la qafaasho ka dibna lacago la weydiisto, waxaana loo geystaa xadgudubyo ay ku jiraan jirdil iyo kufsi.

Xabaal wadareedyadan ayay boolisku heleen xilli ay ku gudo jireen  hawlgallo ay ku soo badbaadiyeen dad badan oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay goobo lagu haystay.

Saraakiisha amniga ee dalka Liibiya waxay sheegeen in hawgallada ay fuliyeen ay ku soo qabqabteen mukhalsiin mas’uul ka ah qafaalashada iyo dilalka dadka muhaajiriinta ah.

Hawlgaladii ugu dambeeyay waxay ku soo xireen saddex mukhalas oo kala ah mid u dhashay iyo laba ajnabi.

IOM ayaa ku boorisay mas’uuliyiinta Liibiya inay maydadka usoo saaraan hab suurtogelinaya in la garto aqoonsigooda, ayna soo gudbiyaan maydadka dhibanayaasha, si loo wargeliyo eheladooda.

Ma ahan markii ugu horraysay dalka Liibiya laga helo xabaal-wadareed noocaan ah. Bishii March ee sannadkii 2024 waxaa koonfurta dalkaasi laga helay 65 maydad dad muhaajiriin ah.

Wararkan ku saabsan xabaalaha la helayo waxay soo baxayaan xilli ay qoysas badan oo Soomaaliyeed baadigoobayaan eheladoodii ay ugu war dambaysay iyagoo tahriib ku maraya dalka Liibiya, qaarkoodna ay sheegeen inay ugu wardambaysay iyagoo u gacan galay Magafaha lacagta weydiista shakhsiyaadka ay qabsadaan haddii ay ka waayaan ay ka takhalusaan musaafirka ay qabsadaan.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad