Maxay Ciyaal Xamar ku Diideen Bandhiggii Haboon Nuura?

Waxaan isku dayi doonnaa in jawaabta su’aasha cinwaanka ku xusan aad ka heshaan qormadan dhexdeeda.
Haboon Nuura waa fannaanad ka soo jeeda magaalada Borama ee gobolka Awdal ee hoos tagta maamulka Somaliland.
Dhowaan ayay Muqdisho tagtay iyadoo uu la socdo fannaan kale oo lagu magacaabo Marwaan Yare, si ay Muqdisho ugu qabsadaan Bandhig lagu gelayo lacag lagu sheegay $25 halkii tikit.
Bandhigaasi oo Haboon iyo Marwaan rabeen inay ku qabsadaan hotel Elite oo ku sii jeeda xeebta Liido, habeenkii jimcaha soo gelayay ee 13ka Febraayo, ayaa baaqday ka dib markii uu khilaaf hareeyay.

Dhalinyaro la magac baxday Ciyaal Xamar ayaa ka hor yimid in Muqdisho lagu qabto bandhig ay leedahay Haboon Nuura amma ay qeyb ka tahay, iyagoo sabab uga dhigay inay ka mid fannaaniin qaaday hees Hargeysa lagu qaaday oo la magac baxday “Ma lihin Cadow Xamar ka Daran” iyagoona isla heesta dhexdeeda lagu sheegay "Garoowe iyo kuwa Xintama, waxaa iga xiga Amxaar, xurmo iyo sharaf igula nool" .
Heestan waxaa tiriyay Abwaankan lagu magacaabo Daaha Gaas waxay soo baxday xilli uu taagnaa khilaaf xoog badan oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo salka ku hayay heshiis isafgarad ah oo ay Itoobiya la saxiixatay maamulka Somaliland.
Isafgaradkaas (MOU) waxa uu Itoobiya u ogolaanayaa inay 50 sanno isticmaasho bad iyo berri ku fadhiya 20km, dhankeedana ay dal ahaan u aqoonsato maamulka Somaliland.
Haddaba Haboon Nuura ayaa iyadoon wax cudur daar ah bixinin ayay isku soo dhex tuurtay Xamartii ay ku tilmaamtay inay cadowgoodu tahay.
Hase yeeshee Ciyaal Xamar oo ka amar qaadanayay Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo Xamar ku nool iyo Farxiyo Kabayare oo Xamar ka soojeeda, kuna nool dalka Maraykanka ayaa fashiliyay Bandhigga Haboon Nuura. Iyagoo Muqdisho ka ka bilaabay kacdoon ka dhan ah Bandhigga Haboon Nuura.

Haboon Nuura markii ay aragtay fadeexadda ay dhex fadhido, waxay habeen saacado ka hor bandhiggeeda ay soo qaaday hees ay ku amaanayso Xamar, taasoo ahayd mid ay ugu dan lahayd inay ku dejiso xiisadda kacsan.
Hase yeeshee Ciyaal Xamar waa ay ka biyo diideen inay raali gelin u qaataan hees daciif ah, waxayna ka dhabeeyeen inuu fashilmo Bandhiggii Haboon Nuura.
Maamulka gobolka Banaadir oo ka hortagaya in bandhiggaasi uu abuuro xaalad amni darro ah ayaa boolis usoo diray, kaasoo baajiyay bandhiggaasi sababo amni darteed.
Marka laga reebo dadka ka hor yimid qabsoomidda Bandhigga Haboon Nuura waxaa jiray dad kale oo ku baaqayay in fannaanadda aan loo qabanin wax kastoo ka dhacay magaalada Hargeysa oo ah magaalo lag caburiyo shacabkeeda, kuwa dowladda mushahar ka qaatana gaar ahaan fanaaniinta iyo suxufiyiinta waxaa lagu qasbaa inay sameeyaan wax kasta oo maamulkaasi doonayo in loo bandhigo shacabka iyo dunida kale.
Si kastaba ha ahaatee, Haboon Nuura mar haddii ay qeyb ka ahayd heesta "Ma lihin Cadow Xamar ka Daran" mar haddii ay diidday inay taabato calanka buluugga ee Soomaaliyeed, mar haddii aysan raaligelin hore bixinin, way istaahishay in loo diido qabsashada bandhiggaasi.