Madaxweyne Xasan oo Trump u Bandhigay Saldhigyo

Warbixintan waxaa daabacday wakaaladda ee Reuters, waxay leedahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u bandhigay Maraykanka inay si gaar ah u maamulaan saldhigyo ay isticmaalaan ciidamada Cirka iyo dekedo ku yaalla dalka.
Reuters waxay sheegtay inay heshay warqad ay ka xaqiijisay sugnaanshaheeda diblomaasiyiin ku sugan gobolka, taasoo uu madaxweyne Xasan Sheekh u diray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo uu ugu sheegayo in uu u oggolayahay Maraykanka inay gacanta ku dhigaan ayna maamushaan garoomada Berbera iyo Balidoogle, iyo dekadaha Berbera iyo Boosaaso.
Tani waxay furi doontaa khilaaf cusub oo ka dhex dhalan doona dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo aaminsan in uu yahay dal ka madaxbnaan Soomaaliya.
Weli dowladda Soomaaliya war rasmi ah kama ay soo saarin xiriirka la sheegay in Madaxweyne Xasan la sameeyay Trump.
Hase yeeshee maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa yiri “Maxay tahay wadashaqeyntu, USA mar hore ayay ka quusatay nidaamka musuqa ku dhisan ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay, USA waxa ay hadda diyaar u tahay inay la macaamisho Somaliland oo ay dunida tustay nabad, deganaansho iyo dimoqraadiyad, ayuu yiri wasiirku.
Wasiir Aadan ayaa intaa raaciyay “Maraykanku ma ahan doqon. Way gananayaan cidda ay tahay in lala macaamilo marka ay timaado dekeda Berbera.
Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda tallaabo kasta oo horseedi karta in Somaliland loo aqoonsado dal madaxbannaan.
Haddaba Maraykanka inuu helo saldhigyadaas iyo dekadahan Soomaaliya waxay ka dhigan tahay in ay ballaarinayso joogitaankiisa militari ee Geeska Afrika, gaar ahaan meesha xigta marin biyoodka Baabal Mandab, halkaasoo dhibaato xoog leh ay ka haysato gaadiidka ganacsiga ee badda mara gaar ahaan Kuwa ay leeyihiin Koofiyo Gaabta ee uu Maraykanku taageero.
Maraakiibta ganacsiga ee Koofiyo Gaabta waxa isbaaro u dhigtay xarfaanta haysata dalka Yemen oo ay duqeymo isweydaarsanayaan Maraykanka.