Maamulka Trump oo Jaray Malaayiin Doolar oo ku Socotay New York Times iyo Warbaabin kale

Sida laga soo xigtay wasaaradda beeqaaminta kharashaadka Dowladda DOGE ee uu madaxda ka yahay Elon Musk, dowladda Maraykanka waxay $60 milyan ku bixisay rukunno laga samaystay wargeyska NYT iyo wakaaladda wararka ee AP.
Qeynta dabagalka ee wasaaradda DOGE waxay sheegtay in la kansalay rukunno New York
Times oo qiimahoodu ahaa $40m, halka Associated Press laga kansalay rukunno qiimahoodu ahaa $20m.
Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in wargeyska Politico laga kansalay rukunno ku qiimaysan $500,000.
Kashifahaadan cusub waxay daba socdaan eedaymo uu bilyaneer Musk horay ugu jeediyay qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka inay hay’ado federaali ah ka helaan lacago, gaar ahaan hay’ado ay ka mid tahay USAID.

Musk ayaa dhowaan bartiisa X ku daabacay qoraal uu ku sheegayo in wargeyska Politico uu $8.1m uu ka healay hay’adda USAID, inkastoo Politico uu beeniyay arrintaas.
Musk oo ka falcelinaya lacagaha la siiyay AP waxa uu yiri, “Waqti aan fogeyn. Tani waxay ahayd ku takrifal ballaaran oo ka dhan ah lacagaha canshuur bixiyeyaasha.
Wuxuu kaloo hadal uu ku tuuray NYT oo uu ku tilmaamay warbaahin maalgelisa dowladda.
NYT oo ka jawaabaysa arrintan ayay sheegtay in lacaguhu ay ahaayeen rukunno dowladdu ka diiwaangashatay wargeyska, kaasoo kharashkiisu ka yaraa sannadkii la soo dhaafay $2m.
Sidoo kale waxaa la sheegay in warbaahino kale oo magac ku leh Maraykanka oo Bloomberg ay ka mid tahay lacago ka Heleen hay’ado federaali ah.
Inkastoo aan faahfaahinno badan laga haynin kashifaadda kharashaadkan, haddana lacagihii ay bixisay dowladdu waxay ku dhacayeen akoono kala duwan oo ay ka mid yihiin warbaahinta qaarkood.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka caalmiga ee USAID waxaa taariikh ahaan la ogyahay inay kharash ku bixiso hay’ado badan oo aan dowli ahayn iyo warbaahinno, si kor loogu qaado sumcadda hawlgalada gargaarka bani’aadamnimo ee caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in wasaaradda beeqaaminta kharashaadka dowladda ee Musk madaxda u yahay inay ka dhabaynayso dabagalka kharashaadka dowladdu ku bixiso qeybo kala duwan oo warbaahintu ay ka mid tahay.
Trump ayaa horay ugu eedeeyay dowladdii biden inay ahayd dowlad musuqmaasuq badan.
Dhanka warbaahinta marka la eego, kharashaadkan la kashifay waxay muujinayaan in dowlada biden maalgelisay warbaahinta si ay u faafiyaan warar aan liddi ku ahayn dowladda, taasoo markaa aan shaki ku jirin in warbaahinnadan wararka ay sii dayn jireen aan ahayn kuwo xaqiiqda ku salaysan.
Abdulkadir