Lexy Waxay Qaadatay Diinta Islaamka

Gabadhan waxaa la yiraahdaa Lexy Montana. Waa gabar u dhalatay dalka Kenya, waxayna markii hore haysatay diinta Kiristaanka.

Lexy waxay ku dhacday imtixaanadka qaranka ee dugsiga sare (KCSE), kadibna waxay furtay goob lagu qurxiyo dumarka si ay nolosheeda ugu maareyso.

Ganacsigaasi maysan ku guuleysanin, waxayna isku dayday dhowr ganacsi oo kale, balse dhammaantood way ku khasaartay.

Maalin maalmaha ka mid ah, Lexy oo ku rafaadsan dukaan yar oo ay ku iibiso barafuunno aya

waxaa u yimid nin Muslim ah wuxuuna ka iibsaday dhowr shay.

Maalintaas aad bay ugu faraxday.

Maalmo kadib isla ninkii ayaa mar kale soo laabtay, wuxuuna markale ka iibsaday alaabo kale.

Toddobaadyo kadib, way isbarteen, sheekona way dhex martay. Ugu dambeyn waxay isu qaadeen jacayl, balse dhibaato ayaa ka dhalatay markii ay go’aansadeen inay isguursadaan.

Ninka Muslimka ah wuxuu ahaa 40 jir, halka gabadhu ay ahayd 22 jir — taasi micnaheedu waa inuu 18 sano ka weyn yahay.

Ugu horreyn, gabadhu waxay qaadatay diinta Islaamka oo way islaamtay. Dharkii yaraa ee ay horay u xiran jirtay way iska dayday, waxayna noqotay gabar Muslimad ah oo asturan.

Ugu dambeyn, ninkii way guursatay.

Waxay tiri: "Diinta Islaamka umaan qaadan ninkan dartiis, balse diinta Islaamka waxaan ka helay xasillooni aanan horay u dareemin. Dhibkii iyo rafaadkii noloshana si tartiib ah ayaan uga gudbay."

Muuqaalkii ay sheekadan kaga waramaysay waxaa daawaday ku dhowaad hal milyan oo qof.

Inta badan Kenyanka way ka xumaadeen in gabadhan ka baxday diinta Kiristaanka.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad