Latinos oo ka Shalaynaya u Codaynta Trump

Qowmiyadda ka soo jeeda wadamada Latin America ee ku dhaqan dalkan Maraykanka ayaa wajahaya tarxiil baaxad leh oo maamulka Donald Trump ku ololeeyay xiligii doorashada 2024.
Qoysas badan ayaa guryaha loogu galay, waxaana la xiray dad sharci darro ku joogay Maraykanka, taasoo keentay in ay kala fogaadaan qoysas mideysnaa.
Waxaa baraha bulshada la arkayay hooyooyin sharci leh oo garabkoodu uu ka baxay raggoodii sharci la'aanta ahaa.
Hooyo ka soo Jeedda mid ka mid ah dalalka Latin America ayaa ku barooratay in ay soo wajahday nolol ciriiri ah ka dib markii la xiray odaygeeda.
Latinoska sharciyada leh iyo kuwo aan sharci haysan ayaa qeyb weyn ka qaatay ololihii tartanka madaxtinimada ee Donald Trump, iyagoo ka cararaya inay haweenay madow ah u codeeyaan, taasoo marka sharciga socdaalka la eego ay fursad badan siin lahayd dadka bilaa sharciga ah inay muddo ku noolaadaan, kana shaqeystaan dalka Maraykanka.

Dadka ugu badan ee wajahaya tarxiilka Trump waa dadka laatiinooska ah, Soomaaliduna u taqaano Spanishka.
Ninkan la sii wado funaanadda uu xiran yahay dhabarkeeda waxaa ku qoran Latinos for Trump 2024.
Koodii sharciga lahaa iyo koodii sharci la’aanta Trump aad ayay ugu ololeeyeen iyagoo ka cararaya gabadha madow.
Cunsuri haddii aad maqashaan ma ahan dadka caddaanka ah ee waa kan la sii wado.
Ka xaaxaabiye hee, maantana iyagaa ugu badan ee barooranaya.