Hooyadan Waxaa Sidan u GAlay Tuugo Kufsan Rabtay

Hooyadaan waxaa lagu magacaabaa faadumo Axmed ciise waa hooyo Haysata Caruur agoon ah ayada ayaa ilmaheeda u shaqaysan jirtay magaalada boosaso dhexdeeda
Muddo todobo sano kahor ah ayaa saygeedu wuxuu ku shahiiday xilli habeen ah bil ramadaana tahay asagoo kamid ah ciidan daganaa togga sugurre ee gobolka bari dagaal dhex maray ciidanka iyo Alshabab ayuuna ku dhintay.
Hooyo faadumo oo haysata caruur 4 ah ayadoo u xamaalata ilmaheeda ayaa afar habeen kahor waxaa guriga ugu soo dhacay tuugo waxayna isku dayeen inay kufsi kula kacaan balse way la dagaalantay waxayna udileen si arxan darro ah
Nabarada wajiga uga yaal waxaa ka daran kuwa dhabar iyo xungulaha uga dhacay oo ay dhul yaal la tahay, Isbitaal ayay kujirtaa shaqo iyo dhaq dhaqaaqna way gabtay, ciddii falkaas kula kacdayna ilaa hadda lama hayo .
Faadumo ayadoo awalba duruufta nololeed oo hoosaysa caruurteda guri kiro ah la daganayd waxbarasho iyo korina keligeed ku ahayd waxaa hadana Helay masiibadaas ay maanta dhul yaalka u tahay
Bulshada soomaaliyed gaar ahaan kuwa reer Puntland dal iyo dibad waxaan idinka codsanaynaa inaad garab siisaan qoyskaas Agoonta ah aabahoodna dhowrka sano kahor difaaca dadkiisa u dhintay, hooyadoodna maanta dulmiga lagu dhaawacay oo dhul yaalka tahay.
Guriga ay dagan yihiin oo 3bilood lagu leeyahay shalay waxaa islaantii lahayd u sheegtay inay dacweyn doonto kana saarayso guriga hadaysan lacagta bixin
Hadaba maanta qoyskaas ugu yaraan aynu kabixino lacagta Guriga kiradiisa Iyo daawada maamadaan isbitaalka jiifta ayadoo dhiban.
Intaas iyo kabadan ayaynu bixin karnaa haddii ruux walba wuxuu awoodo udiro , sadaqo ayay inaga inoo ahaan maalinka aakhiro kayd ah ayagana waxay u noqon waxtar nololeed
20 qof keliya oo qofkii 10dollar udiro, iyo 20 qof oo qof walba 5doollae udiro ayaa kirada Dhan ee guriga kabixin karta wax wayna maahan ayagana waxtar bay u tahay.
Plz qof walba oo xogtaan helaa ha isku dayo Inuu Waxa uu awoodo ugu diro numberka hooyo faadumo axmed ciise numberkeeda goliska ah waa

0905453734
252905453734
Fadlan qofkii waxtari karaa hacaawiyo, wax yar oo aad baxsatid ayaa wax wayn oo dhib ah kaa difaaca masiibooyin badana kaa ilaaliya