Dowlad-Goboleed Qani ku ah Shidaal oo Qaadaya Hawlgal ka dh ah IS

Bloomberg:- Ismaamul goboleedka Pntland ayaa qorshaynaya weerar cusub oo uu kula dagaalamayo kacdoon kordhaya oo ay samaynayaan kooxda Islamic State ee loo soo gaabiyo IS oo ku sugan dhulka buuraha leh ee waqooyiga Somalia.

Kooxda IS, oo Maraykanku u aqoonsan yahay argagixiso, laba jibbaar ayay ka badatay sannadkan tiro ahaan intii ay horay u ahaan jirtay. Waxaana la qiyaasayaa inay ka badan yihiin 1200 oo ruux kuwaasoo fariisimo ku leh buuraha gobolka Bari ee bariga magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiil amni oo maamulka Puntland ka tirsan.

Militariga Maraykanka ayaa sido kale muujiyay walaac ku saabsan joogitaanka IS ee gobolka.

“Waa halis weyn, Puntland waxay ku talo jirtaa inay ka saarto goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan, ayna dib dambe ugu soo laaban,” ayuu yiri Maxamed Muhaarak oo ah madaxa xafiiska isku dubarridka amniga Puntland, kaasoo arrintan kaga soo jawaabay aaladda Emailka.

Kooxda IS ee Soomaaliya waxaa hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin, kaasoo kooxdaasi ka aasaasay Soomaaliya ka dib markii uu ka goostay kooxda al-Qaacida xiriirka la leh ee Alshabaab, 9 sanno ka hor. Mumin, oo sida ay qabto hay’adda xasaradaha caalmiga, waxaa laga yaabaa inuu yahay hoggaamiyaha guud ee IS, waxaa uu ahaa bartilmaameed duqeyn uu Maraykanku fuliyay bishii May.

IS-ta Soomaaliya waxay kordhisay galaangalkeeda awoodeed ee ay lacago kaga qaadi karto qaaradda Africa, sida ay sheegtay hay’adda ICG bishii September.

Puntland waxay kooxdu dhaqaale ka sameysaa ganacsatada oo ay ka uruuriso lacago, iyadoona dhoofisa in yar oo dahab ay ka qodo Bari, waxayna kooxdu ay maaraysaa kala gudbinta lacagaha loo diro firqooyin kooxda xiriir la leh oo ku sugan meela ka baxsan Soomaaliya.

Mubaarak wuxuu sheegay in joogitaanka IS ee puntland ay udub dhexaad caalami ahayd shabaqadda IS qeybteeda dhaqaalaha iyo hawlgellada, sidaasi darteed hawlgalka aynu sameynayno saamayntiisu waxay ahaan doontaa mid caalami ah.

Puntland waxay ka mid tahay 6 dowlad goboleed oo dowladda federaalka ka tirsan, waxay ku dhowaaqday ismaamulkeeda 1998dii, inkastoo kaga duwan tahay maamulka deriska la ah ee Somaliland, inaanay raadin aqoonsi ay ku noqonayso dal madaxbannaan.

Puntland waxaa la qiyaasay inay leedahay ugu yaraan bilyan fuusto oo kheyraad saliid ah.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad