Diidmadeeda Guurka 55 jir darteed ayaa Nolosha loogu Gubay

Gacala Aadan oo 17 jir ahayd kuna noolayd xerada qaxootiga ee Dhagaxley ee dalka Kenya ayaa nolosha lagu gubay 22kii bishii March ka dib markii ay diiday inay la noolaato nin 55 jir ah oo loo guuriyay.
Booliska Kenya oo dhacdadan la ogeysiiyay ayaa magaalada Waara Aadan Masaajida, ee degmada Wajeer, oo 150 km u jirta xerada xerada qaxoortiga ee Dhagaxley ee Dhadhaab ka soo xiray Maxamed Qaasim Tifow oo ah ninka loo guuriyay Gacala.
Tifow oo looga shakisan yahay dilka Gacala waxaa lala soo xiray laba nin oo kale oo iyaguna looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dilka Gacala.
Boolisku waxay sheegeen in Gacala cabasho ah la soo xiriirtay, waxayna ka sheegatay in jir dil lagu hayo ka dib markii ay diiday inay la dhaqanto odayga loo guuriyay.
"Habeen walba way i garaacaan, ninkan guur lama wadaagi karo," fariin cod ah oo ay u soo duubtay ehelkeeda.
Bishii March 22-keedii waxay samaysay wicitaan telefoon oo quus ah iyadoo waalidkeed iyo adeeradeed u sheegtay in nolosheeda ay halis ku jirto, lana dili rabo. Saacado kadib waxaa la soo wacay qoyskeeda waxaana loo sheegay in Gacala ay geeriyootay.
Maydka Gacalo ayaa dib loogu celiyay Dhagaxleey halkaasoo la sheegay in lagu aasay.

Booliska kenya ayaa sheegay inay maxkamad u fasaxday in maydka gacalo laga soo saaro qabriga si baaris dheeraad ah loogu sameeyo sababta ay u geeriyootay. Boolisku waxay sheegeen inay baari doonaan in dilkeeda loo adeegsaday sun iyo inkale, sidoo kalena ay baari doonaan Hidde Sidaha DNA si loo ogaado qoyskeeda rasmiga ah.
Maxkamad la soo taagay Tifow waxay qareenadiisu ay codsadeen in qaadista kiiska dib loo dhigo ilaa baaritaanka kiiska uu ka soo dhammaanayo.
Maxkamadda ayaa dib u dhigtay dhageysiga kiiska muddo 14 maalmood ah, iyadoona amar ku bixisay in Tifow xabsiga Wajeer lagu sii haayo.
BBC ayaa wareysi la yeelatay Aamino oo sheegtay inay tahay hooyada marxuumadda:
"Anaga dadka gabadha guursaday ma garaneynin, macallinkeeda dugsiga ayaa nagu soo xiray, ka dib gabadha ayuu arrinta kala hadlay wayna ogolaatay, aabaheed ayaa lala hadlay sidi ayaanna ku bixinnay", ayay tiri hooyo Aamina Cabdinoor.
Gabadha ayaa waxaa uu guurkeedu dhacay dabayaaqadii bishii Febaraayo ee sannadkan, waxaa laga soo kaxeeyay gurigooda waxaana ugu dambeyntii la geeyay guriga ninka lagu daray oo ku yaalay deegaanka Waara oo dhowr kilomitir u jirta degmada Habasweyn oo ka tirsan magaalada Wajeer ee waqooyi bari Kenya.
"Markii aan gurigeeda geeyay oo aan ka soo laabtay, gabadha way i soo wacday, waxayna igu tiri hooyo waa la ii garaacay, waa la ii tashanayaa oo waa la ii dili rabaa, markiiba dad ayaan u sheegay balse waxaa la iigu yiri waxaas waxba kama jiraan", ayay tiri hooyada.
Muddo ku dhow hal bil markii ay ka soo wareegatay guurkeedi, waxaa la soo wariyay geerida gabadhaas, taas oo la sheegay in la dilay 22-kii bishii Maarso.
Hooyo Aamina waxay BBC-da u sheegtay, in gabadheeda ay soo wacday iyada iyo dad kale oo ehelkeeda ah saacado yar ka hor geerideeda.

"Way i soo wacday oo waxay igu tiri "hooyo taleefanka ayaa la iga qaadi rabaa waana la ii dili rabaa, adeeradeed ayay wacday ugu dambeyntiina waa la dilay", ayay tiri.
Meydkeeda ayaa la geeyay xerada Dhagaxleey oo ay ka soo jeeday, halkaas ayaana lagu aasay marxuumadda.
Hooyo Aamina ayaan sidoo kale wax ka weydiinnay waxa ay ka ogtahay sida loo dilay gabadheeda.
"Lugaha iyo gacmaha ayaa xarig looga xirxiray, ka dib joodari ayaa la saaray ka dibna waa la gubay", ayay tiri.
Qoyskeeda ayaa waxay dilkeeda uga shakisan yihiin ninkii lagu daray, kaas oo haatan ku jira gacanta booliska.
BBC-da si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashada ehelka gabadha.
Hooyo Aamina ayaa sheegtay in meydka gabadheeda uu ka muuqday jirdil.
"Lugaha, gacmaha iyo dhuunta xargo ayaa ka muuqday, wejigeeda waxaa ka muuqday in la gubay oo lafaha ayaa banaanka yaalay", ayay tiri.
Qoyska gabadha ayaa laamaha amaanka Kenya iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ka dalbaday inay cadaalad u helaan gabadhooda.
Kiis noocan ah weli hore ugama dhicin deegaanada waqooyi bari Kenya.
Waxaan isku deynay in aan la xiriirno laamaha amaanka si aan arrintan wax uga ogaanno balse kama jawaabin wicitaankeenna.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan xanuunka badan waxay soo jiidatay dareenka dadweynaha, waxaana caddaalad loo dalbay marxuumadda.