Ma 5 Gabdhood ay Dhashay Darteed ayaa loo Furay?

Hadda ka hor ayaan maqlay Sheeko cajiib ah; ninbaa wuxuu dhalay 9 wiil geel badana wuu lahaa kadib waa uu deeqtoomay oo quwad iyo faan is biday sanadkii danbe ayay hooyadii gabar u dhashay markuu ka war helay in gabar loo dhalay waana ilmihii 10-aad waaba kan xanaaqay ee madaxa gacmaha saartay sidii inay musiibo ku dhacday oo kale xaaskiisii oo umul ah ayuu furay cidlo ayuuna kaga guuray wiilashii iyo xoolihiina wuu ka kaxaystay.

Muddo kadib afar wiilashii kamida labo labo ayay isku toogteen sidaasna ifka way kaga faaruqeen shantii kale waxay u kala jabeen tuug, caasi, iyo cayaal suuq iyo aalkulaystayaal. Xoolihiina way ka dhammaadeen wax laga xado, wax dayacma oo luma iyo wax abaari laysay ayay noqdeen odaygiina waa kan goboobay, tabar gabay kadibna soo dhacay.

Gabadhii way kortay warna ma seeganayn tuulada ayay hooyadeed la aaday waxbay baratay kadibna magaalo weyn bay usii gudubtay. Waxay maqashay arrinka Aabbaheed way soo raadisay wayna isu sheegtay way baxnaanisay, xajka ayay gaysay, ugu danbayna gurigeeda iyo dhabteeda ayuu ku naf waayay. Nuxurka sheekadu waa inaadan nimcooyinka Alle midna dayrin waligaana aadan is kibrin.

Gabadhan Sawirkeeda idiin muuqda ayaa baraha bulshada ku baahisay in ay kala tageen ninkii qabay ka dib markii uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay inuu burburo gurigoodii.

Inkastoo iyadu aysan faahfaahin ka bixin waxa uu salka ku hayo khilaafka sababay burburka qoyskoodii, haddana dadka ayaa baraha bulshada isla dhex marayaan in burburka qoyska uu ugu wacnaa 5 gabdhood oo ay u dhashay ninkeeda.

Awlaadda Alle ayaa bixiya, lkn waxaa la sheegayaa in ninkii ay u dhashay caruurta uu aad u doonayay in mar uun ay u dhasho wiil.

Gabadhan iyo odaygeedii ay kala tageen waxay ku jireen baraha bulshada oo waxay lahaayeen Youtube Channel la magac baxay Quruxda Qoyska2, halkaasoo ay barnaamijyo ku soo gudbin jireen. Ninkeedii ay kala tageen waxaa magaciisa la yiraahdaa Cabdulaahi, hadda waxa uu leeyahay Youtube Channel isaga u gaar ah oo lagu magacaabo Naruuro Channel, halkaasoo uu kaga soo gudbiyo arrimaha Carabta iyo Soomaaliya.

Waxay ahaayeen qoys kuwada noolaa dalka Masar.

Horta wiil iyo gabar kii Alle ku siiyo waa nicmad balaaran waana inaad ka mahad celisaa.

Alle SW waxa uu suuratu al-Shuuraa noogu sheegay in isagu leeyahay mulkiga samooyinka iyo dhulka, wuxuu abuuraa wuxuu doono, wuxuu siiyaa qofkuu doono dhaddig, qofkuu doona lab. Amma waxa uu isugu daraa lab iyo dhaddig, qofkuu doonana waxa uu ka yeelaa ma dhalays, Alle waa Cilmi badane awood leh.

Waa in aad Alle uga mahadcelisaa nimco kasta oo uu ku siiyo.

Waxaanad ogaataa in Sex chromosomes-ku ay door muhiim ah ka qaataan go’aaminta jinsiga ilmaha (lab iyo dhedig).
Sidee loo kala sitaa maxayna yihiin X iyo Y Chromosomes?
Dumarka had iyo goor waxay leeyihiin: 
XX chromosomes.
Halka Ragguna ay leeyihiin: 
XY chromosomes.

Saynis ahaan haddaan u fiirino Marka ilmuhu abuurmayo;

Haddii ukunta gabadha oo had iyo jeer wadata "X" ay la kulanto "X" chromosome oo ka yimaada dhanka ninka → Ilmaha dhalan doonaa waa uu noqonayaa gabar maa daama ay labo "XX" midoobeen.
Haddii ukunta gabadhu ay la kulanto "Y" chromosome oo ka yimaada ninka → Ilmahaasi waxa uu noqonayaa lab sababtoo ah "XY" ayaa midoobay.

Mohamed Farah Mohamed

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad