Booliska Soomaaliya oo Xiray Guddoomiye Urur Siyaasadeed

Booliska Soomaaliya ayaa 4tii bishan magaalada Muqdisho ku xiray Cabdiraxmaan Sulaymaan Jaamac ka dib markii ay ku eedeeyeen falal ka dhan ah Amniga Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa ku xiran saldhig ku yaalla degmada Xamar weyne, iyadoo aan la sheegin faahfaahinta falalka amniga ah ee sabay xarigiisa, balse dadweynuhu waxay sheegayaan in guddoomiye Cabdiraxmaan uu wareysi siiyay nid ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala Muqdihso.

Idaacadda Shabelle ayuu wareysi siiyay:

Wareysiga ayuu ku dhaliilay wasaaradda gaashaan dhigga, isagoo weerar afka ah ku qaaday wasiirka iyo si lamid ah madaxweyaha dowladda Federaalka:

"Ninkaan Wasiirka Gaashaandhigga ah waxaa uu u qalmaa in maxkamad la soo taago, maanta in uu xilka wareejin la'yahay waa kalsooni uu madaxweynaha ka heysto" ayuu Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Cabdiraxmaan Saleebaan ku sheegay wareysiga uu siiyay warbaahinta Shabeelle.
"Afgooye iyo Balcad meel ka sokeysa ayey DFS difaac uga jirtaa, saadkii ciidankana waa la xaraashtay, MW Xasan Sheekh waa fashilmay anagoo xisbiyo dhowr ah ayaana Ingiriiska iyo Mareykanka ku dacweynay" ayuu sidoo kale ku yiri wareysigaan uu siiyay telefishinka Shabeelle.

Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal ka soo saaray xarigga Cabdiraxmaan Suleymaan ayaa sheegay in la horgeyn doono "Maxkammadda Awoodda u leh."

"Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah, qof walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka waxa uu wajihi doonaa hay'adaha cadaaladda," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad