Baahi la Xalin Karo oo Hadana aan loo Dhaqaaqin

Sawirkan waa mid ka mid ah Isgoysyada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana aad arki kartaa dhibka ay isku qabaan gaadiidka kala duwan ee Muqdisho waddooyinkeeda isaga kala goosha.
Waxaa aad u adag in si fudud aad ku gaarto meel aad dan ka leedahay oo haddii aad baabuur raacid ay adag tahay in waqtigii aad u baahneyd ku gaartid goobta.
Xaaladahan oo kale waxay sababaan in aadan waqtigeeda ku gaarin ballan aad lahayd oo ay ka mid tahay Dhakhtar, socdaal sida Airaboorka oo aad halis u galayso inaad ka daahdi duulimaadkii ka dibna sidaas aad dib ugu dhacdo.
Waxaa kaloo laga yaabaa in aad weydid shaqo aad wareysigeeda ubalansanayd, ka dib markii aad uga daahdid qalad aadan adigu lahayn oo uu sababay jid xiranka.
Ul uu sito ayuu ku kala hagayaa darwaliinta si ay isu ogolaadaan wadada, laakiin waa hawl ay aad ugu adagtahay inuu sidan ku xaliyo.

Si kastaba ha ahaatee, gaadiidka waxaa kala haga ninkan aad aragtaan ee usha wata, waa Taraafiko u shaqeeya dowladda hoose amma wasaaradda gaadiidka.
Waxaa uu isku dayayaa inuu ul ku xaliyo dhibaato si fudud loo xalin karo. Dowladda Soomaaliya waxay u haaban tahay inay isgooysyada magaalooyinka ku rakibaan Leyrarka kala haga baabuurta ee loo yaqaan Traffic Ligt, kaasoo kii ku xadgudba Leyrka ay tahay lagu ganaaxo lacag. Waxaa uu xal u noqon lahaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana kor u kici lahaa ganacsiga wax kala iibsiga, shaqooyinka iyo fursado badan oo hadda meesha uga maqan waqtiga lumaya dartii ee uu sabab u yahay culeysyada waddooyinka ka jira.