Al-Shabaab oo Qirtay in Hoggaamiye laga Dilay

Kooxda hubeysan ee xiriirka la leh Alqaacida ee dalka Soomaaliya, Al-Shabaab, ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda looga dilay meel ku dhow Kuunyo Barrow ee gobolka Shabellaha Hoose.
Laakiin kooxdu ma ay sheegin goorta uu dhacay duqeynta lagu dilay Maxamed Mire inkastoo ay ku eedeeyeen Maraykanka.

Taliska ciidanka Maraykanka ee Africa, AFRICOM, ayaa gelinkii dambe ee Khamiista xaqiijiyay in 24kii bishan ay fuliyeen weerar cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab, meel 10km u jirta Kuunyo Barrow, mana ay sheegin waxyeello shacabka soo gaartay.
Wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalku uu ahaa mid si fiican loo qorsheeyay, loona fuliyay iyadoo lala khaashaday "saaxiibada caalamiga", kuwaasoo iyaguna ugaarsi ku hayay Maxamed Mire.
Goor sii horraysay, guddoomiyaha gobolka Sh/H. Maxamed Ibrahim Barre, ayaa sheegay in Mire uu ka soo safray degmada Jilib kuna sii jeeday Kuunyo Barrow markii la bartilmaameedsanayay.
Mire waxa uu ahaa hoggaamiyaha xarunta gobolladay, oo u dhiganta wasaaradda arrimaha gudaha, wuxuuna horay u qabtay jagooyin kala duwan oo ururka dhexdiisa.

Bishii july e sannadkan, dowladda Soomaaliya waxay xanibaad dhaqaale ku soo rogtay shakhsiyaad uu ku jiro Mire.
Bishii October 2022, Maraykanka waxa uu Mire ku sifeeyay inuu yahay argagixiye caalami ah, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiye sare oo Alshabaab ah oo mas'uul ka ah dejinta siyaasadaha iyo go'aaminta arrimaha gudaha, iyo korjoogtaynta hawlgallada kooxdu ka fuliso gudaha Soomaaliya.
Africom ayaa sheegtay in Soomaaliya ay tahay udub dhexaadka amniga Bariga Africa, sidaasi darteed in Maraykanku uu wadi doono tababarida iyo qalabaynta ciidamada ay wadaagga la yihiin si hoos loogu dhigo awoodda al-Shabaab.