Adduunkii Af ayaa ka soo Haray

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska waxa uu bartiisa X ku soo qoray erayadan "Israa'iil waxay hawlgab ka dhigtay daryeelkii caafimaadka ee Gaa."

David lammy ayaa ku baaqay in ay soo dhammaadaan "Weeraradan foosha xun."

Hadalkan wasiirka ayaa ka dambeeyay ka dib markii Israa'iil ay duqeysay Isbitaalka Al-ahli ee ku yaalla Gaza, kaasoo ahaa mid keliya ee daryeel caafimaad u fidinayay reer Gaza.

Israa'iil ayaa madaafiic la dhacday qeybaha soo dhoweynta iyo xaaladaha deg degga, halkaasoo bukaanadii jiifay laga bixiyay ka dib markii ay ogeysiis ku bixiyeen in laga baxo.

Todobaadkii la soo dhaafay Israa'iil ayaa duqeyn dhulka kula sintay dhismaha isbitaalka al-Nasir ee Khanyoonis.

Tani waxaa lagu tilmaamay ujeedka laga leeyahay inuu yahay in reer Gaza lagu sii adkeeyo xaaladda si ay ugu dambeyn uga guuraan dhulkooda ka dib marka ay waayaan adeeg kasta oo ay u baahan yihiin.

Haddaba hadalkan wasiirka Birtain lama filayo inuu xaaladda wax ka bedelo, sababtuna waxay tahay in Israa'iil aysan lahayn dhego ay ku maqasho baaqyada caalamiga ah ee ka dalbaya inay joojiso weerarada ay la beegsanayso shacabka Gaza.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad