Sheekada Gabdho Muslim ah oo u Shaqeeya TV-yo Caan ka ah USA

Ubax Cali, Nada Bashiir, iyo Lama Hassan waa gabdho Muslimiin ah oo u shaqeeya telefishanada CBS, CNN iyo ABC oo ka mid ah telefishanada ugu caansan Maraykanka.

Inkastoo Muslimiin ay yihiin haddana way ku kala duwan yihiin qaabka asturnaanta, oo timahoodii si dhammeystiran uma ay asturin.

Lama Hasan: waa suxufiyad ku nool magaalada London, halkaasoo in muddo ah wararka uga soo tebisa telefishanka ABC ee dalka Maraykanka, sidoo kale waxay ka tirsan BBC.

Inkastoo aanay xijaabnayn haddana waa Muslim, sida aan ku ogaanay baaris taariikhdeeda nolosha. Waxay aad ugu hadli kartaa luuqadda Carabiga.

Dhalashadeeda marka laga hadlayo waxaa la sheegaa oo keliya inay tahay British, laakiin ayeeyadeeda dhanka aabe amma hooyo midday tahay aan la sheegin, ayaa ku nool magaalada Qudus dhanka koonfureed. Waxaana oo badinayaa asalkeedu inuu yahay Falastiin.

Timaheeda ma asturato, laakiin caqiidadeeda waa Islaam.

Ubax Cali: waa suxufiyad Somali-Maraykan ah oo ku nool magaalada Rochester ee gobolka Minnesota, kana Tirsan wariyeyaasha telefishanka WCCO oo bahwadaag la ah CBS.

Waxay ku dhalatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maraykanka ayay ku kortay, waxna ku baratay, waxay ka qalin jebisay Jaamacadda St. Cloude oo qiyaastii 60 mile u jirta magaalada Minneapolis.

Waa gabadhii ugu horeysay ee Somali American ah iyadoo xijaaban ku biirta telefishan ka hawlgala magaalooyinka mataanaha ee Saint Paul iyo Minneapolis.

Inkastoo ay xijaaban tahay, haddana timaheedii fooda hore waa ay muuqdaan, waxaan u rajeynaynaa inay si buuxda u asturato.

Sawirkan waa iyadoo ka warbixinaysa badqabka hawada minnesota in laga digayo ka dib markii uu soo gaaray qiiq ka yimid dhanka Canada halkaasoo keymo ku yaalla ay gubanayaan.

Ubax, horey waxay ugu soo shaqeysay telefishan ku yaalla magaalada Muluwake ee goblka Wisconsin, halkaasoo ay wariyenimada ka bilowday. Waxay sheegtay inay doonayso inay ku dhiirigeliso gabdhaha Soomaali-Maraykanka ah ku biiraanb warbaahinta.

Aan raaciyo gabadhan Istuudiyaha fadhida waxay wadashaqeeyaan waxaa la yiraahdaa Erin Hassansadeh:

Waa Maraykan aabaheed uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Iran. Diinta ay aamisan tahay lama shaacin, laakiin waxay mararka qaar la falgashaa dhaqanka Bershiya, dhanka cunnada iyo lebiska ay Beershiyaanku xirtaan xiliyada xafladaha.

Arooskeeda waxaa lagu saleeyay dhaqanka Beershiya.

Nada Bashiir: waa suxfiyad degan magaalada London, waa British waalidkeedu asal ahaan ka soo jeedaan dalka Liibiya.

Waxay London wararka uga soo tebisaa telefishanka CNN.

Nada sida aad arki kartaan waa gabar xijaaban, laakiin sida Ubax Cali oo kale fooda timaheedu ay muuqdaan.

Waxaan u rajaynaynaa inuu Alle ku sugo diinta Islaamka ah ee ay haystaan, si buuxdana ugu dhaqmaan.

Halkan waxaan ku soo gabagabeynaynaa sheekada kusaabsan gabdhahan Muslimka ah ee u shaqeeya telefishanada Maraykanka inkastoo mid ka mid ah aysan xijaabnayn midna diinta ay haysato aysan shaacin.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad