Puntland oo Habka Difaaca Gantaalaha la Geeyay

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah ku geysay nidaamka difaaca gantaalaha, saldhig ay maamulaan oo ku yaalla magaalo xeebeeda Boosaaso ee Puntland.
Sida laga soo xigtay wariyeyaal ciidan oo ku sugan Puntland, habkan waxaa lagu rakibay saldhigga ciidamada badda ee Puntland ee ay maamusho UAE.
Habkan difaaca Gantaalaha waxaa la sheegay inay farsameysay Israa'iil, kaasoo noociisa lagu sheegay ELM-2084 3D, waxa uu awood u leeyahay inuu ogaado gantaalaha iyo darooniska, isagoona awood u leh inuu inka badan 1000 bartimaameed waqti yar ku ogaan karo.

Puntland oo ah dowlad goboleed ka tirsan Soomaaliya waxay ku taalla aag istaraatiiji ah, waxay deris la tahay gacanka cadmeed halkaasoo inka badan 12% uu maro gaadiidka ganacsiga ee gobolka, halka inka badan 30% ganacsiga caalamiga ah uu halkaasi ku goosha kaasoo ka sii gudba marin biyoodka Baabal Mandab.
Arrintani waxay muujinaysaa sida Imaaraadku uu ciidan ahaan si weyn ugu lug leeyahay Geeska Africa oo xaaladiisa nabadgelyo aysan caadi ahayn.
Habkan difaaca gantaalaha waxaa la sheegay inuu u dhigmo nidaamka Ruushku farsameeyo ee S-400 iyo nidaamka Maraykanku sameeyo ee AN/TPQ-53.
Xogtan militari ayaa la ogaaday xilli dalal militari ahaan xoog leh, sida Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo Turkiga ay joogitaan iyo saldhigyo militari ku leeyihiin Geeska Afrika.
Inkastoo ciidamadaasi, gaar ahaan guutooyinkooda wareega badda ay ujeedadoodu markii hore ku saabsaneyd inay maraakiibta ka ilaaliyaan burcad badeed, balse haatan waxaa taagan halis taa ka daran oo ka imanaysa xoogagga waqooyiga Yemen ka taliya ee Xuutiga, kuwaasoo madaafiic iyo daroono ku weerara maraakiibta badaasi maraysa, gaar ahaan sida ay sheeegen kuwa u raran Israa'iil.