Ciidanka Puntland oo la Wareegay Togga Jeceel

Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Argagixisada ee Daacish ee ku sugan Buuraha Calmiskaad, ayaa la wareegay aagaggii ay kooxdu ka dagaalamaysay labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalamayaal Daacish ka tirsan lagu dilay, hubkoodiina lala wareegay.
Maamulka Puntland weli ma ay sheegin tirada khasaaraha labada dhinac.
Togga Jeceel waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah dhufaysyada Daacish Soomaaliya ee aadka ugu adkaa, kaasoo la sheegay in muddo 9 sanno ah ay dhisayeen.