Maydad Hor Leh oo Maanta lagu Aasay Dacawalay

Ilaa 30 ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Dacawalay ayaa lagu aasay deegaankasi oo ay maalmo ka socdeen dagaal beeleed u dhaxeeya beelo ka soo kala jeeda maamulka Somaliland iyo deegaanka Soomaalida ee hoos taga dalka Itoobiya.
Maydadka maanta la aasay waxay ku darsamayaan maydad kale oo dagaaladaas lagu dilay, kuwaasoo horay loogu aasay xabaal wadareedyo.
Ilaa 120 ayaa lagu qiyaasay dadka lagu dilay deegaanka Dacawalay.
labada beelood ayaa la sheegay in mid kastaa weeraro ay geysteen ay sidan oo kale dad isaga dileen.
Waxaa guul darro ku dhammaaday isku dayo lagu doonayay in lagu dhammeeyo colaadda, ka dib markii beesha degta deegaanka Dacawalay la sheegay inay laayeen ergo nabadeed oo ka socotay beesha kale ee degta dowlad deegaanka Soomaalida.
Warar kala duwan oo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa sheegaya in dhinacyadu ay midba midda kale ku eedeynayaan in iyagu ay huriyeen colaadda.
Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay ciidamo boolis ah oo ka socda dowlad deegaanka inay geysteen waxa ay ugu yeertay Xasuuq.

"Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo," ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay.
War-saxaafadeedka uu soo saaray wasiirka amniga gudaha Somaliland ayaa lagu yiri.
"Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,".
Dad badan ayaa barakacay, iyagoo aanay haysan meel ay ku hoydaan.