Somalia oo Diiday in Itoobiya ka mid Noqoto hawlgalka AUSSOM

Soomaaliya ayaa u xaqiijisay in Itoobiya aysan ka mid noqon doonin dalalka ciidamadoodu ka qeybgalayaan hawlgalka AUSSOM, kaasoo bilaaban doona sannadka cusub.
Kulan ka dhacay maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wakiilka Soomaaliya sheegay in hawlgalkaasi looga qeyb qaadanayo is afgarad laba geesood ah oo ay Soomaaliya la yeelato dalalka daacadda ah ee Soomaaliya ay ku kalsoon tahay.

Wadahadallada ku aadan ka qeybgalka ciidamada AUSSOM waa la soo gabagabeeyay, 12kun oo ciidan ahna loo baahnaa waa la buuxiyay, sidaasi darteed Itoobiya boos ugama banaana oo ay uga mid noqonayso hawlgalkaasi.
Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay sameysay tallaabooyin ka dhan ahaa amniga Soomaaliya iyo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya, taasoo keentay marnaansho kaalintii Itoobiya ay buuxin lahayd.
Dowladda Soomaaliya ayaa la heshiisay dalal ay ku kalsoon tahay inay buuxin doonaan kaalinta ay cidleeyeen Itoobiyaanku, taasoo macneheedu yahay in ciidamo ka socda dalal kale ay Soomaaliya ka hawlgeli doonaan.

Dalalka ciidamada usoo diraya Soomaaliya waxaa ka mid ah Masar iyo Eritariya, kuwaasoo ballan qaaday in Soomaaliya ay garab ka siin doonaan sugidda amnigeeda bad iyo berri.
Labadaasi dal ayaa xurguf ay kala dhaxeysaa Itoobiya, iyadoo dhanka kalena Itoobiya aysan raali ka ahayn in ciidamo ka socda Masar ay yimaadaan Soomaaliya, waxayna u aragtaa inay halis ku yihiin amniga dalka Itoobiya.
Masar ayaa itoobiya uga careysan dhisidda biyo xireenka ay Itoobiya ka dhistay webiga Neil, iyadoo Masar iyo Eritariya ay sheegeen inaanay Itoobiya u oggolaan doonin inay badda cas ay marin u hesho.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa 11-kii December heshiis ku kala saxiixday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaasoo Itoobiya u oggolaanaya inay si nabad ah ku gaarto biyaha Badda Cas.
Qore: Cabdulqaadir