Ruushka oo ka Digay Warar la Xiriira Diyaaraddii Dhacday ee Azerbijan

Afhayeen u hadlay xukuumadda Moscow ayaa ayaa sheegay in ay ka digayaan in la marin habaabiyo sababta keentay inay dhacdo diyaarad ay leedahay Azerbijan Airline, taasoo ku dhacday dalka Kazakhstan.
Diyaaradda waxaa saarnaa 67 rakaab ah, waxaa dhintay 38, waxaa ka badbaaday 29.
Diyaaraddan dhacday waxay ka duushay magaalada Boko ee caasimadda Azerbijan, waxayna ku sii jeeday magaalada Grozny ee gobolka Shiishaan ee Ruushka ka tirsan.
Ka hor inta aanay diyaarddu ku dhicin meel ku dhow magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan, diyaaradda waxaa laga wareejiyay khadkii ay ku socotay, iyadoo u jiheysatay Galbeedka Kazakhstan.
Tani waa masiibo weyn oo noqotay murug weyn ku noqotay shacabka Azerbijan ayuu yiri madaxweynaha dalkaasi Ilham Aliyev.
Qof ka mid ah dadkii ka badbaaday burburkaasi siyaaradda waxa uu sheegay in duuliyaha uu laba jeer isku dayay inuu ku dego Grozny Airport, iyadoo ay jirtay ceeriyaamo ay adkeyd in wax la arko, markii saddexaad ee isku daygiisa ay maqleen jug u eg qarax.
Ka dibna diyaaradda mar kale khadkeeda loo weeciyay Airaborka magaaalada Aktau ee Khazakhstan oo Groźny u jira 450km=280mile.


Warbaahinta dalka Azerbijan oo soo xiganaysa mas'uuliyiin ayaa sheegtay in diyaaraddu uu ku dhacay gantaal uu riday habka difaaca hawada ee Ruushka.
Afhayeen u hadlay dowladda Ruuskhka, Dimitry Peskov, ayaa sheegay inay khalad ahaan doonto in faafiyo warar been abuur ah oo ku saabsan sababta diyaaradu u dhacday, ka hor inta aan baaritaanku dhamaanin.
"Waxaynu u baahannahay inaynu sugno baaritaanka ilaa laga soo gabagabeeyo," ayuu intaa raaciyay.

Wuxuu kaloo sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu xiriir la sameeyay madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev, wuxuuna uga tacsiyeeyay dhacdadan.
Shirkadda iska leh diyaaraddan waxay sheegtay in diyaaradda ay ku degi weyday Grozny ceeriyaamo darteed, ka dibna la badalay khadkii ay ku socotay, inkastoo wax la iska weydiinayo sababta keentay burburka.
Mas'uuliyiin Khazakhistan ah ayaa soo saaray cajaladda duubta xogta diyaaradda, baaritaankuna uu socdo. Wax yar ka dib burburka diyaaradda, telefishan laga leeyahay Ruushka ayaa sheegay in ay u badan tahay in diyaaradda ay dhacday ka dib markii ay ku dhaceen koox shimbiro ah oo wada duulayay.
By: Cabdulqaadir