Jabhadda M23 oo Wacad ku Martay Inay Afgembin Doonto Dowladda Congo

Hogaamiyaha Jabhadda M23, kaasoo dagaalyahannadiisa ay qabsadeen magaalada ugu weyn ee Bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, ee Goma, ayaa ku wacad ku maray in ay wadi doonaan dagaalka ayna u jihaysan doontaan magaalada caasimadda ah ee Kinshasa.

Cornielle Nangaa, kaasoo hogaamiya isbahaysi kooxo jabhado ah oo ay ku jirto M23, ayaa sheegay in ujeedkooda ugu dambeeya uu yahay in xukunka laga tuuro dowladda madaxweyne Felix Tshisekedi.

Inkastoo ay jiraan baaqyo caalami ah oo lagu dalbanayo xabad-joojin, haddana warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in jabhadda ay taageerto Rwanda haatan kusii siqeyso magaalada labaad ee ugu ballaaran dalkaasi ee Bukavu, oo ku taalla dhulka Bariga DRC ee qaniga ku ah macdanta.

hadal uu ka jeediyay muuqaal la sii duubay ka dib markii magaalada Goma u gacangashay mucaaradka hubaysan, Madaxweyne Tishisekedi ayaa sheegay in jawaab ballaaran laga bixin doono si dowladdu ay dib gacanta ugu dhigi lahayd dhulka ay jabhaddu qabsatay.

“Hal mid ogaada: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ma ogolaan doonto in la dulaysto amma la burburiyo. Waanu dagaalami doonntaa waanu guulaysan doonnaa,” ayuu yiri madaxweyne Tishisekedi.

Dagaalka DRC waxa uu guryahooda ka xa qixiyay dad gaaraya 500,000, kaasoo uga sii daray xaalad bani’aadannimo oo markeedii horeba xumayd, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Khamiistii, Nangaa ayaa sheegay in jabhaddu ay tahay maamulka cusub ee Goma, uuna u sheegay wariyeyaasha in ay halkan u joogaan sidii ay mar kale dib ugu shaqeysiin lahaayeen adeegyada.

Tan iyo markii uu dagaalku ka sii daray todobaadkii hore, magaalada waxaa ka go’an biyaha iyo korontada, cuntaduna waa naadir.

Hogaamiyaha jabhadda ayaa sheegay inay sii wadi doonaan halganka xoraynta ilaa ay gaaraan magaalada Kinshasa.

Khubaradu waxay leeyihiin in duullaan noocaasi ah aysan suurtagal ahayn marka la eego weynida dalka iyo masaafada ay u jirto Goma magaalada Kinshasa, taasoo ah 2600km oo u dhiganta (1600mile).

Si kastoo ay ahaataba, horay ayay udhacday 1997dii markii xoogag ay Rwanda taageerto ay xukunka ka tuureen hoggaamiyihii waqtiga dheer maamulayay dalkaasi ee Mobutu Sese Seko.

Hanjabaada Nangaa waxay kordhin doontaa carada Kinshasa, taasoo ku eedaysay dalka deriskeeda ah ee Rwanda taageerada jabhada, iyo xitaa in ciidan Rwandees ah ay Goma ku sugan yihiin.

Rwanda ayaa wajahaysa dhaleecayn caalami ah, inkastoo ay beenisay inay taageero militari oo toos ah siiso jabahadda.

M23, jabhadda ugu wayn ee isbahaysiga jabhadaha - waxaa hoggaamiya dad asal ahaan ka soo jeeda qowmiyadda Tutsi, waxayna sheegaan in ay hubka u qaateen si ay u ilaaliyaan xuquuqda dadka tirada yar ee ku nool DRC.

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kgame, oo ah Tutsi, waxa uu ku eedeeyay dowladda DR Congo inay gabaad siiso maleeshiyo Hutu ah, kuwaasoo ku lug lahaa gumaadkii ka dhacay dalka Rwanda 1994tii.

Madaxweyne Tshisekedi ayaa horay ugu tilmaamay Kgame inuu “la mid yahay Hitler,” wuxuuna wacad ku maray inuu “ku dambeyn doono meeshii uu maray Hitler”.

.

La Wadaag Asxaabtaada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Kor aad