179 ayaa ku Dhimatay Diyaarad ku Burburtay S. Korea

Diyaarad ay leedahay shirkadda Jeju Air ee Koonfurta Kuuriya oo ka soo duushay magaalada Bankok ee dalka Thailand ayaa ku burburtay burburtay Airaboorka Muan ee dalka Koonfurta Kuuriya, xilli ay halkaasi ku degaysay. 179 qof ayaa ku dhimatay.
Diyaaradan nooceedu yahay Boeing 737 waxaa la arkayay iyadoo candhada dhulka ku jiideysa, xill aanay lugihii u bixin, Isla markaana baalashii xawaaraha dhimi lahaa aan hoos loo soo dhigin, ka dibna diyaaraddii oo xawaare socota dhabihii ka baxday ka dibna foodda gelisay derbi shub adag ku sameysnaa.
Daawo Muuqaalka markii uu shilku dhacayay
Waxaa la socday 181 qof, laba shaqaale ahaa oo xagga dambe ku jiray ayaa la soo saaray.
Maamulka Shirkadda Jeju Air ayaa raaligelin ka bixiyay shilkaasi, waxa uu sheegay in ay u malaynayaan sababta shilkan inay ugu wacan tahay shimbir, balse baaritaanka marka la soo gabagabeeyo ay ogaan doonaan sababta oo faahfaasan.
Waxaa diyaariyay Cabdulqaadir
Sawirada Hoos ka dalwo


